Teori lektioner ” Cashirada Teoriga”
About Course
- 1. Trafikregler (Sharciyada Taraafikada)
- Waxaad ku baran doontaa shuruucda ugu muhiimsan ee la xiriira taraafikada ee Sweden, sida:
- Högerregeln: Sharciga sheegaya in gaadiidka dhinaca midig uu leeyahay xaqa wadada marka aysan jirin calaamad tilmaameysa cidda leh xaqa wadada.
- Svängningsregeln: Waxaad ku baran doontaa sida loo leexdo si badbaado leh iyo sharciga ku saabsan isgoyska.
- Blockeringsregeln: Sharciya inuu mamnuuc yahay xannibaada isgoysyada ama meelaha muhiimka ah marka taraafikada istaagayso.
- Väjningsplikt: Fahamka marka aad xaqa wadada siinayso gaadiidka kale.
- 2. Fordonskännedom & Manövrering (Garashada Gaadiidka & Xakameynta)
- Waxaad baran doontaa waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira garashada gaadiidka aad wadaysid, sida noocyada kala duwan ee baabuurta, sifooyinka farsamo ee muhiimka ah, iyo sida loo xakameeyo gaadiidka si ammaan ah.
- Tani waxaa ka mid ah barashada nidaamka bareegga, bareegga degdega ah, iyo xakameynta wadista xaalado kala duwan.
- 3. Miljö (Deegaanka)
- Waxaad ku baran doontaa sida wadista gaadiidka ay u saameyso deegaanka iyo hababka lagu yareyn karo qiiqa iyo wasakhowga. Waxyaabaha la tixgelinayo waxaa ka mid ah isticmaalka shidaalka, hawada nadiifinta, iyo ka hortagga waxyeelada deegaanka.
- 4. Trafiksäkerhet (Badbaadada Taraafikada)
- Waxaad baran doontaa qodobada muhiimka ah ee ku saabsan badbaadada wadista, sida ilaalinta masaafada u dhaxeysa gaadiidka, xawaaraha habboon, isticmaalka suunka badbaadada, iyo badbaadada dadka lugeynaya iyo kuwa ku jira baaskiilada.
- Waxaa kale oo ku jiri doona sida loo dhaqmo marka xaaladaha wadista ay khatar yihiin, sida barafka ama roobka.
- 5. Personliga Förutsättningar (Xaaladaha Shakhsiga ah)
- Qaybtan waxay diiradda saareysaa xaaladaha wadista ee qofka sida caafimaadka wadaha, waayo-aragnimada, iyo maskaxda ama dareenka wadista. Waxaad baran doontaa sida xaaladaha shakhsiga ah ay u saameyn karaan badbaadada wadista, tusaale ahaan daalka, isticmaalka maandooriyaha, ama daroogooyinka.
Course Content
Trafikregler (Xeerarka taraafikada)
-
Högerreglen (Xerka midigta)
00:00 -
Väjningsregel ( Xerka mudnan siinta)
00:00 -
Svängningsregeln ( xeerka leexashada)
00:00 -
Blockeringsregeln ( xeerka xanibaada)
00:00 -
Trafikregler frågor ” Su’alaha sharciyadda wadooyinka”)